Dibadbax lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow ka bilowday magaalada Muqdisho.
Waxaa dibadbaxan soo qabanqaabiyey maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Dadka ayaa isugu yimid Taalada Daljirka Daahsoon ee Muqdisho, waxaana ay wataan boorar ay kusoo xardheen sawirada Madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale erayo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan.




From the comments