Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa laga dareemayay Labadii maalin ee la soo dhaafay, kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo, hoos udhac ku yimid lacagaha doolarka Maraykanka ah oo gaaray heerkii ugu hoosaysay sanado ah.
Maxamed Cali oo kamida ganacsatada Sarifleyda Muqdisho oo la hadlay Goobjoog ayaa waxa uu sheegay in lacagta doolarka ay hoos u dhacday isagoo sheegay Sarifka uu marayo gacanta hore lacag dhan labo malyan boqol iyo labaatan halka uu gacanta dambe uu marayo labo malyan iyo boqol ,waxaa sidoo kale halka doolar la sarifayaa suuqyada magaalada Muqdisho Labaatan iyo Kow oo shilin Soomaali ah.
Maxamed Cali ayaa waxa uu sheegay in isbedelka doolarka ay muujinayso ifafaalo dhaqaale iyo mid nabadeed oo dadka galayo, “Isbedelka waxaa keenay, waddankana ku soo kordhay dowlad cusub sarrifkii dowladdii cusbeyd waxaa ku yimid is bedel dadku waxay muujinayaan ifafaalo nabadeed iyo mid dhaqaale “.




From the comments