Maamulka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa digniin u direy Milkiilayaasha hoteellada ku yaalla magaaladaasi, waxaana digniintan ay ku aadan tahay sugista amniga hoteellada.
Duqa magaalada Boosaaso Yaasiin Mire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in milkiilayaasha Hoteelada Boosaaso laga doonayo iney adkeeyaan amniga Hoteeladooda ayna qortaan ilaalo xirfad wanaagsan leh.
Waxa uu sheegay Mr. Mire in ay dhici karto weeraro ay hoteellada Boosaaso ku qaadaan kooxda Daacish, kadib markii falalka amni darri ay ku bateen magaaladaasi.




From the comments