Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee dalka Kenya Ra’ila Odinga ayaa ku eedeeyey dowladda dalkaasi iney ku fashilantay dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay wadeen ciidamada Kenya.
Odinga ayaa sheegay in madaxda dalka Kenya ay soo saaraan warbixinno aan waxbo ka jirin, kuwaasi oo ku aadan khasaaraha soo gaara ciidamada Kenya xilliyada ay weerarka kala kulmaan Al-shabaab.
Waxa uu tilmaamay in la qorsheynayo in magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ay ka dhacaan dibadbaxyo lagu dalbanayo in ciidankooda looga saaro Soomaaliya.




From the comments