Mas’uul ka tirsan waddanka Afghaanistaan ayaa waxa uu sheegay in 7 qof ay ku dhimatay 22 kalane ay waxyeello ka soo gaartay qarax lala beegsaday meel ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Afgaanistaan, kuwaas oo sugayay in la siiyo mushaaraadkooda ee magaalada Lashirgaa ee koonfurta waddankaasi, mas’uuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegatay dhaqdhaqaaqa ururka Daalibaan .
Afhayeen u hadlay ciidamada ku sugan magaalada Lashirgaa ayaa waxa uu sheegay dadka dhintay inay ku jiraan 3 askari , balse taliyaha booliska ayaa isna waxa uu sheegay dadka dhintay inay ku jiraan caruur.
Ururka Daalibaan ayaa waxa uu sheegtay mas’uuliyadda weerarkaan waxaana xaqiijiyay Afhayeen uhadlay ururkaas oo lagu magacaabo Yuusuf Axmadi kaasoo bartiisa twitterka ku qoray inay dileen 39 askari oo ay ku jiraan saraakiil.




From the comments