Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan laqaatay madaxda Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo uu hogaaminaayay guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre.
Kulanka madaxweynaha uu layeeshay madaxda ka socotay Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay labo arrin oo kala ah inay ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qeybqaataan sidii loo samatabixin lahaa dadka Soomaaliyeed oo abaaruhu saameeyeen iyo inay ganacsatada ay qeybweyn kaqaataan horumarinta dalka iyo shaqaalisiinta .
Agaasimaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoore ayaa ka hadlay kulankii ay wada qaateen madaxweynaha Jumhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo iyo Rugta ganacsiga Soomaaliyeed waxa uuna yiri “Warbixin kasoo baxday guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre Rugta ganacsiga waxay matashaa Rugagga ganacsiga maamul Goboleedyada ,madaxda Rugta ganacsiga waxay la kulmeen madaxweynaha cusub ,madaxweyne Farmaajo waxa uu kala hadlay labo qodob oo ah in loo gargaaro dadka abaaruhu saameeyeen inta ay dowladda kacaga dhiganayso iyo inay ganacsatada ay ka qebqaataan horumarka dalka”.




From the comments