Wasaarada Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku qabatay magaalada Nairobi kulan ay ka soo qayb galeen qaybaha maaliyadda ee maamul goboleedyada. Shirkaan ayaa looga doodi doonaa habka ugu fudud ee loo heli kara hanaan midaysan oo lagu qaado canshuuraha wadanka. Ka qayb galayaasha ayaa xooga saaraya sidii ay u qiimayn lahaayeen kala duwanaanshaha dhinaca canshuuraha iyo saamaynta ay ku leedahay hanaanka dhaqaale ee dadka.
Farxaan Cali Maxamuud oo ah xiriiriyaha guddigaan ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaani daba socdo kulamo soo socday sanadihii la soo dhaafay, kaasoo looga xaajoonayo sidii lagu heli lahaa qaab midaysan oo dekedaha, garoomada iyo meelaha kale ee wadanka wax ka soo galaan canshuuraha laga qaado looga dhigi lahaa kuwo isku mid ah, loona heli lahaa sharci guud oo wadanka ka dhaqan gala.
Sidoo kale agaasimaha dekedaha Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in muhimada arrintaani leedahay ay tahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka, ayna tahay haddii la meel mariyo hanaan sharci oo dhinaca canshuuraha ah wadank oo dhanna ka dhaqan gala isla markaan xoojinaya isku xirka maamulka dalka.




From the comments