Danjiraha Israel Ee Masar Oo Amnigiisa u Baqay

Madaxda Israel ayaa waxay sheegeen in Danjirahooda u fadhiya waddanka Masar inuu sii joogi doono Israel sababo la xariira dhanka ammaanka.
Warmurtiyeed ay soo saareen laamaha amniga gudaha ee loo yaqaano Shin bet ayaa waxay sheegeen in Danjiraha Israel iyo shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda aysan aadin doonin magaalada Qaahira ee caasimadda waddanka Masar sababo la xiriira nabadgalyada, ayna sii joogi doonaan Israel.
Warmurtiyeedka kasoo baxay laamaha ammaanka gudaha ma aysan sheegin goorta uu Danjire David Govrin uu ku noqday Israel.
Balse warar ay heleen saxaafadda ayaa waxa ay sheegayaan in Danjire David Govrin iyo kooxdiisa aysan usafrin magaalada Qaahira ilaa bartamihii bishii December iyadoo laga cabsi qabay inay beegsadaan kooxo hubeysan ,wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa ka gaabsatay inay arrintaani ay ka hadasho .
Danjire David Govrin ayaa waraaqihiisa safiirnimo u gudbiyay madaxaweynaha dalka Masar Cabdi Fitaax Alsiisii bishii sideedaad ee sanadkii 2016kii.
Safaaradda Israel ayaa waxay ka shaqo bilowday magaalada Qaahira saadkii 2015kii ka dib 4 sano markii laga raray oo lagu banana baxay .
Waxaana soo wanaagsanaaday xiriirka Masar iyo Israel ka dib markii xilka laga riday madaxwenihii hore ee Masar Maxamed Mursi sanadkii 2013kii markii ay dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo .