Guddoomiyaha Camaara ee Mudug Yusuf Salaad Maxamed ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in aanu maanta dagaal ka dhicin deegaanka Camaara.
Guddoomiyaha waxaa uu arrinkaas ka hadlaya “Wax dagaal ah ama wax cabsi ahi maanta kama jirin deegaanka Camaara, way jireen qolo dorraad naga soo gashay oo bari u gudbay oo na soo dulmaray oo qorraxsin u laabatay, wax dhibaato ah oo meelaha ay mareen u gesteen ma jirin, waxaa kaliyoo aanan garareen waxa ay ahaayeen iyo waxa ay u socdeen”
Guddoomiyaha waxaa uu intaa raaciyay “ Waxaa naloo sheegay meel Cagarey la yiraado in ay qolo ku drireen, wixii kala gaaray, kabacdina waxaa naloo sheegay in xilli gabal dhicii ah ay Camaara mareen, marka xaaladda sidaas ayey iska aheyd, wax dhibaato ah oo deegaanka heystana ma jiraan”




From the comments