Waddanka China waxaa lagu dilay shan qof iyadoo lagu dhaawacay Shan kale weerar loo adeegsaday Mindiyo oo ka dhacay gobolka Chengyang ee galbeedka wadankaasi.
Weerarkaan ayaa waxaa fuliyay Saddex qof oo ku hubeysan mindiyo walina ciidamada Booliska uma suuragalin inay gacanta ku soo dhigaan
Dowladda China ayaa ka hadashay arrintaani waxayna sheegtay in weerarkaan uu ka dhacay gobolka Shengyange , sheegtana in hadda goobta ay wax ka dhaceen ay caadi tahay ayna dagantay iyadoo ay socdaan hawlgallo lagu baadi goobaya dadkii weerarka geestay.




From the comments