18 qof Ayaa Ku Dhimatay Weerar Ka Dhacay Magaalada Baqdaad

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhimatay halka 42 kalena ay ku dhaawacmeen weerar baabuur miineysan loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Alsadr taasoo ku taallo waqooyi bari ee dalka Ciraaq.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka Ciraaq ayaa waxay sheegtay inuu weerarka ka dhacay goob lagu iibiyo gaawaarida oo ku taallo dhanka bari ee dalkaas, mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa sheegtay ururka Daacish.
Weerarkaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa maalin ka dib markii weerar loo adeegsaday baabuur ay walxaha qarxa ay buuxaan uu ka dhacay Kuunfurta magaalada Bagdaad ee caasimadda waddanka Ciraaq kaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 4 qof.
Magaalada Alsadr waxaa lagu dilay 35 qof bishii la soo dhaafay ee Janaayo , markii sidaan oo kale weerar ay ku qaadeen ururka Daacish ,Bagdaad waxay goobjoog u noqotay weeraro is xigxiga oo soo laablaabtay bilowgii sanadkaan .
Ururka Daacish ayaa iyagu waxay weeraro uu dhiig ku taatay ay ka fuliyeen caasimadda Bagdaad iyo magaalooyin kale oo ka tirsan waddaankas, tan iyo markii ciidamada Dowladda Ciraaq ay ku dhawaaqeen hawlgal millatari oo balaaran iyagoo garab ka helaya isbaheysiga caalamiga ah oo uu hogaaminaayo Maraykanka ,waxa uuna ujeedka hawlgalkaan ahaa in lagu soo celiyo gacan ku haynta magaalada Mowsil oo ku taallo waqooyi waddanka oo gacanta ay ku hayaan ururka Daacish .
Goobjoog News