Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic maanta kusoo dhacday xaafado ka tirsan degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqisho, kuwaasi oo khasaare kala duwan geystay.
Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa ku geeriyootey duqeyntaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen 4 kale sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Madaafiicdan ayaa ahaa Hoobiyeyaal, waxayna tiro ahaan gaarayeen 5, iyadoo badi ay ku dhaceen meel dad shacab ay ku sugnaayeen.




From the comments