Wasiirka arrimaha dibaddda maamulka Somaliland ayaa warqad uu u qoray dowladda Mareykanka ka dalbaday in laga saaro liiska dalalka Madaxweyne Trump uu ka mamnuucay safarka Mareykanka.
Warbaahinta Fox new ee ka soo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday in wasiirka arrimaha dibadda Somaliland uu warqad u qoray wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson iyo wasiirka ammaanka gudaha Mareykanka ee Jon Kelly, taas oo uu ku dalbanayay in laga saaro liiska dowladaha laga xayiray safarka Mareykanka.
Wasiir Sacad ayaa sheegay in Somaliland aaney ka jirin ururrada argagixisada ah ee Soomaaliya inteeda kale ka jira oo Al-Shabaab ay ka wadaan dagaallo uu dhiigbadan ku daato.





From the comments