Madaafiic lagu sheegay Hoobiyeyaal ayaa goor dhow kusoo dhacay xaafado ka tirsan degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Mar qura ayaa la maqlay qaraxa ay sameeyeen illaa Shan madfac oo kusoo dhacay degmada Warta Nabadda, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicdan.
Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa bilaabay iney aadaan halka madaafiicda kusoo dhacday, si haddii ay jirto dad ku waxyeeloobay ay uga soo daabulaan.




From the comments