Ciidamada wadanka Pakistaan ayaa waxay sheegeen inay dileen 100 qof oo ay ku tilmaameen inay yihiin xagjiriin dilkaan ayaa waxa uu dhacay xilli ay ciidamda ay hawlgallo ay ka wadeen dhamaan daafaha waddankaasi ,waxayna xireen xaduudka u dhaxeeya Pakistaan iyo Afghaanistaan , ka dib qarax ka dhacay waqooyiga Pakistaan .
Qaraxa ka dhacay Pakistaan ayaa waxa uu sababay dhimashada 90 qof halka ay ku dhaawacmeen 250 kale ciidamada ayaa waxay sheegeen inay socdaan hawlgalka lagu xaqiijinaayo amaanka .
Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa waxay dileen 18 qof oo lagu tuhmay inay xiriir laleeyihiin ururka Daacish sidoo kale mas’uul ka tirsan sirdoonaka ayaa waxa uu sheegay in galbeedka waddanka Pakistaan lagu dilay 9 qof oo uu ku tilmaamay inay yihiin xagjiriin .




From the comments