Shirkadda Turkiga Ee Tika Oo Qalab Waxbrasho Gaarsiisay Djibouti

Wakaaladda iskaashiga iyo isku dubaridka Turkiga ee loo yaqaano Tika ayaa gaarsiisay qalabka Iskuullada arday ku dhaqan waddanka Djibouti
Kaalmooyinka ay wakaaladdu gaarsiisay ardaydan ayaa waxay ka koobantahay 400 oo boorso ah iyo qalab waxbarasho oo kala duwan , waxaana usii dheer inay gaarsiisay Computero, iskuuladaan ayaa waxaa dhigta dadka maqalka la’.
Kaalmooyinkaan ayaa waxaa soo gaarsiisay Djibouti doomo ay leedahay Shirkadda Gallipoli oo raacsan wasaaradda badda ee Turkiga, deeqdaan ayaa waxaa lagu wareejiyay wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta dowladda Djibouti.
Mustaf Maxamed oo ah wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta waddanka Djibouti oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa uu sheegay inay jiraan xiriiro siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo weyn oo taariikhi ah inay ka dhaxeeyaan labada dal, isagoo dowladda Turkiga uga mahad celiyay iyo shacabkeeda kaalmada ay soo gaarsiiyeen.
Dhankiisa safiirka Turkiga ufadhiya Djibouti Sacad Altiina, ayaa waxa uu sheegay inay tallaabadaan ay muujinayso heerka iskaashiga ay hay’adaha iyo mu’asasooyinka waddankiisa ay ka qaadanayaan sidii kaalmooyin loo gaarsiin lahaa daafaha aduunka ee kala duwan .
Goobjoog News