Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ku qulqulayey siyaasiyiin iyo sidoo kale aqoonyhanno xil doon ah, maadaama ay soo dhow dahay magacaabista golaha wasiirada ee maamulka Hirshabelle.
Wariyaha Goobjoog ee gobolka Shabellaha Dhexe Cismaan Cabdalla Cismaan ayaa soo sheegaya in mashquul aad u badan laga dareemayo degmada Jowhar.
Siyaasiyiinta iyo sidoo kale aqoonyahannada gaaray degmadaasi ayaa bilaabay la kulanka xildhibaannada Hirshabelle iyo sidoo kale waxgaradka ku sugan magaalada Jowhar.




From the comments