Goobjoog

Soomaali Dib u Dejin Loogu Sameeyay Dalka Maraykanka

Ugu yaraan 140 Soomaali qaxooti ah ayaa waxaa dib u dejin loogu sameeyay wadanka Maraykanka kadib markii ay maalmo u xayirnaayeen hadal kasoo baxay madaxweynaha dalkaasi Donald Trump kaasi oo…

Soomaali Dib u Dejin Loogu Sameeyay Dalka Maraykanka

Ugu yaraan 140 Soomaali qaxooti ah ayaa waxaa dib u dejin loogu sameeyay wadanka Maraykanka  kadib markii ay maalmo u xayirnaayeen hadal kasoo baxay madaxweynaha dalkaasi Donald Trump kaasi oo ahaa in Todobo wadan oo u badan Muslimiin aysan soo galeyn waddanka Maraykanka.

Dadkaan ayaa horey waxaa loogu celiyey xeryahoodii kadib markii ay safaaradda Maraykanka ee Nairobi u sheegtay in go’aankii Trump uu saameeyey.

Markii maxkamad ku taalla Maraykanka ay kahor timid go’aankaasi ayaa waxay dadkani fursad u heleen in loo qaado Maraykanka.

Dadkaan qaxootiga ah ayaa waxaa la keenay Nairobi kahor inta aysan u safrin waddanka Maraykanka.

Jaamac Axmed

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments