Saraakiisha Dhanka amniga ee maamulka Galmudug ayaa sheegay iney wadaan qorshe ay fariisin ciidan kaga sameysanayaan deegaanno ka tirsan bariga gobolka Mudug oo meello kamid ah ay xilligaan maamusho Xarakada Al-shabaab.
Taliyaha ciidamada nabad sugidda ee ka howlgala deegaannada Galmudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in ciidamadooda ay sameytaan deegaanno hor leh, si amniga loo xaqiijiyo.
“Waxaan rabnaa in meeshii ku haboon aan saldhig ciidan ka sameysanno, maadaama ciidamada Galmudug ay ka dheer yihiin deegaannada xeebta Mudug, xeebtaasi oo qeyb ay naga haystaan nimanka nabad diidka Al-shabaab iyo burcadbadeed horey halkaasi uga tali jirtay, sidaasi darteed waxaan u imaannay inaan saldhig ciidan ka sameysanno halkaan oo gacan naga siineyso dowladda Maraykanka iyo Dowladda Soomaaliya si aan saldhiggaasi u dhisanno” ayuu yiri Taliyaha.




From the comments