Qarax ka dhacay magaalada Jowhar ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee saldhigga ku leh xaafadda Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar.
Qaraxan oo habeenimadii xalay ka dhacay magaalada ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 qof oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta qarax lala eegtay guryahooda ku sugnaa, waana sida uu noo xaqiijiyay wareyaha goobjoog ee magaalada Jowhar, Cusmaan Cabdulle.
Ciidamada ayaa howlgallo ay ku baadigoobyaan dadkii qaraxna ka dambeeyay ay ka bilaabeen xaafadda Hanti-wadaag iyo heereheeda iyagoo sheegay iney gacanta ku dhigi doonaan cidii ka dambeysay qaraxa oo ahaa miilno gacanta laga tuuray.




From the comments