Milkiilaha Telifishinka Universal ayaa Booliska Somaliland ku xireen magaalada Hargeysa, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeeysa xarigiisa.
Eng. Axmed Abubakar, milkiilihii Universal TV ayaa Booliska Somaliland ay qabteen, kadibna ay xabsiga u taxaabeen iyadoo aan sababaha aan illaa iyo hadda lagaraneyn, balse xarigga Eng. Axmed Abubakar waxaa loo aaneynayaa maamulka Somaliland oo aan la dhacsaneyn Telefeshinka Universal oo barnaamijyo ka baxa Universal TV loo tirinayo in uu kamid yahay sababaha loo xiray Eng. Axmed Abubakar.
Barnaamij la yiraahdo Faaliyah Qaranka ayaa la sheegayaa inuu ka mid ah eedaha loo haysto milkiilaha Universal TV oo horay loogu xiray Somaliland daadihiyihii barnaamijkaas ee Cabdi Muriidi Jakis sababo la xiriira isla arrintaan.




From the comments