Ururka suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ku xiran magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed.
Kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen hoggaanka ururka NUSOJ iyo sidoo kale madaxda warbaahinnada dalka qaar iyo wariyeyaal ayaa waxaa lagu muujiyey sida looga xun yahay xarigga Wariye Coldoon iyo sidoo kale Milkiilaha Tv-ga Universal oo lagu xirey Hargeysa.
Xoghayaha urur NUSOJ Maxamed Ibraahim Macallimuu oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in aanu dambi ahayn in qofka wariye noqdo laga doonayo maamulka Somaliland iney sii daayaan suxufiyiinta u xiran.




From the comments