Khasaare naf iyo maal leh ayaa laga sheegayaa in ay ka dhasheen abaaro ba’an oo ka jira deegaanno ka tirsan Mudug iyo Galgaduud.
Shire Xirsi Maxamud, wasiirka gargaarka maamulka Galmudug ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha ayaa Goobjoog News u sheegay khasaaraha ka dhashay abaaraha halkaasi ka jira
“Xaaladda adag ayey mareysaa, dadkaas waxaa ay isugu yimaadeen magaalooyinka, loomana hayo meelihii ay degi lahaayeen, qaar bannaanka ayey fadhiyaan, qaar dadka ayey ku dhex milmeen, waan qeybinay wixii ka soo gaaray guddiga abaaraha qaranka, dhibaatadana waa jirtaa’




From the comments