Donald Trump Oo Magacaabay La-taliyihiisa Amniga

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa u magacaabay la taliyihiisa ammanka qaranka Jenaral HR McMaster, kaasi oo badalay Makmester oo horay u ahaa la-taliyaha ammanka madaxweyne Donald Trump isaga oo xilka hayey muddo dhan 24 maalin, waxaana xilka looga qaaday ka dib markii lagu eedeeyay inuu xiriir uu la yeeshay waddanka Ruushka.
Ninka loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ayaa waxa uu ka tirsanaa ciidamada Mareykanka oo ku sugnaa wadanka Afghaanistaan, kaasi oo ahaa madaxa la dagaalanka musuqmaasuqa.
Madaxweyne Donald Teump ayaa xilkaan la rabay nin lagu magacaabo Robert Harward balse waa uu ka diiday isagoo sheegay inay jiraan sababo isaga u gaar ah, waxa uuna u magacaabay ugu dambeyn makmester.
Intii lagu guda jiray magaacaabista ayaa madaxweyne Donald Trump waxa uu ku amaanay makmester inuu yahay shaqsi leh qibrado badan uuna yahay nin sharaf iyo xushamad ku dhex leh ciidamada.
Goobjoog News