Xildhibaan Maxamuud Wabar oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa ka horyimid magacaabista wasiirada cusub ee maamulkaasi.
Waxa uu sheegay xildhibaankan oo lasoo xiriiray Goobjoog News, in madaxweyne Cosoble uu wasiirada kusoo magacaabay sharci darro iyo la tashi la’aan waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Hirshabelle dadka deggan Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa wada leh, waxaa loo baahnaa wadatashi iyo is afgarad, Jaabka dambe ayuu warqad kala soo baxay oo uu iska soo magacaabay wixii uu doonay, waa arrin aan kasoo horjeedno” ayuu yiri xildhibaanka.




From the comments