Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sameeyay isku soobax roob doon ah, waxaana ay isugu tageen fagaare ku yaalla magaaladaasi, halkaasi oo ay salaad roob doon ah ku tukadeen.
Culimada hoggaamineysay isku soobaxan ayaa halkaasi hadallo kooban oo ay ka jeediyeen waxay ku sheegeen in Allah ay ka sugayaan raxmaddiisa, islamarkaana ay ka baxaan abaarta.
“Saacadaan la joogo annaga waan soomannahay, horey ayaa isugu raacnay inaan soonno Afar maalin, kadibna maalinta ugu dambeysa aan tukanno Salaad roob doon ah, Ilaahay waxaan ka barinnay in uu dhibkan naga dulqaado oo raxmaddiisa inoo keeno” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah culimada halkaasi ka hadashay.




From the comments