UNICEF: 185 Kun Caruur Soomaali Ah Ayaa Qarka u Saaran Iney Wajahaan Macluul

Qaramada midoobay ayaa ka digtay abaarta ka jirta wadamada Soomaaliya, Nigeria iyo Yeman , digniintaan ayaa timid maalin ka dib markii ay dowladda Koonfurta Sudan ay sheegtay inay haysato abaar daran .
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa waxay sheegtay in wadamada Somalia , Nigeria IYO Yeman ay soo wajihi doonaan dhibaatooyin Bini’aadannimo oo la mid ah xaaladda abaareed ee ay ku nooshahay Koonfurta Suudaan.
Waxa ay carabka ku dhufatay in ku dhawaad halmalyan iyo bar caruur ah ay soo wajihi doonto macluul kuwaas oo ku nool wadamada Somalia ,Nigeria, Yeman iyo koonfurta Sudan .
Sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee UNICEF, in ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin gargaar Bini’aadannimo, iyadoo sheegtay in 185 kun carruur Soomaali ah ay qarka u saaranyihiin inay soo wajahdo macluul , waxayna ka digtay inay suurto gal tahay inay kororto tirade oo ay gaarto 270 kun inta lagu gudo jiro bilaha soo socda .
Hay’adda ayaa intaas waxay ku dartay in ku dhawaad 450 kun oo caruur ah kuwaas oo ku nool waqooyi bari ee dalka Nigeria ay dhibaataysanyihiin gobolada ay ka jiraan rabshadaha halka ay hay’adaha gargaarka ay awoodi waayeen inay kaalmooyin gaarsiiyaan.
Unicef ayaa ka digtay in waddanka Yeman caruurta ku dhibaataysan ay kordheen labadii sano ee la soo dhaafay kuwaas oo kacabannaya nafaqo darro ,waxayna gaarayaan tiradooda 200 00 caruur ah,waxay intaas ku dartay inay hadda ay gaarayaan caruurtaas ku dhawaad 462 kun oo caruur ah.
Warbixinada ay soo saartay ha’adda UNICEF waxay hoosta ka xariiqeen in xaaladaha bani aadanimo ee ka jira waddanka Yeman ay sii kordheen gaar ahaan markii uu bilowday halwgalkii milatari uu hogaaminaayay Sucuudiga 25 kii bishii Marso.
Tiro koobyo ay ha’addu sameysay ayaa waxay tilaamayaan in caruur badan oo ku nool wadamada Negeria,Somali,Yeman ay macluul u geeriyoon doonaan , waxayna ka digtay in waqti loo waayo bad baadinta caruurtaas.
Waxaa lagu wadaa inay booqdaan safiirada dowladaha xubnaha ka ah golaha ammnka ee qaramada midoobay wadamada Nigeria, Cameron , Tashaad iyo Niger bisha soo socota si ay ugu kuur galaan xaaladda bani aadanimo ee ka jirta halkaasi.
W/Q: Jaamac Shidane
Goobjoog News