Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka gobolka Banaadir Ismaaciil Cabdi Guure ayaa sheegay in waddooyinka magaalada Muqdisho loo xiri doono caleema saarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinta berri ah ku beegan.
Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in sababo amni loo xiri doono waddooyinka, ayna xirista bilaaban doonto maanta oo Talaado ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waxaan rabaa in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdishu u sheego in la xiri doono waddooyinka sababo amni oo jira awgeed, maalinta Arbacada ah waxaa jiri doona caleema saarka madaxweynaha” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.




From the comments