Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa salaan sharaf garoonka Aadan Cadde uga qaatey cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Madaxweyne Geelle ayaa ka qeybgali doona munaasabadda Caleema saarka ee madaxweyne Farmaajo, waxaana sidoo kale uu dhagax dhigi doonaa madaxweynaha dhismaha safaaradda Jabuuti.




From the comments