Ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka qeybqaataan gurmadka abaaraha dalka isaga oo tilmaamay in xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya ay meel qatar ah mareyso.
Mr. Afey oo ka qeybgalaya munsaabadda Caleema saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa si kooban oo uu ula hadlay warbaahinta waxa uu ugu horeyn sheegay in maanta uu dareemayo farxad aad u weyn, maadaama magaalada Muqdisho markii Labaad lagu qabanayo Caleema Saarka madaxweynaha.
“Shaqsi ahaan waxaan dareemayaa farxad siyaado ah, muddo badan baan baadigoob ku jirnay iney soo laabato dowladnimada, sharafta Soomaalida, shacabka Soomaaliyeed waxaan ka rabnaa iney garab istaagaan dowladaan, waxaa dowladdaan xoojin kara, waxaa qasbi kara iney shaqeyso shacabka Soomaaliyeed, waxaan u habalyeenayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo midkii hore ee xilka ka degay Xasan Sheekh” ayuuyiri Afey.




From the comments