Dadka naafada ah ee ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo ay sheegeen in muddo ah ay ku jireen, iyaga oo dhanka kalena gurmad dalbaday.
Ibraahim Faarax Af-dheere, guddoomiye ku xigeenka ururka naafada Baardheera ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay iney u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.
Waxa uu tilmaamay in hadda waxa ugu daran ee ay u baahan yihiin ay tahay qalabkii ay ku soconayeen, sida baaskiilada iyo biraha isaga oo sheegay in 700 naafo ah ay u baahan yihiin iney helaan wixii ay dadka ku dhex socon lahaayeen.




From the comments