Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa waxay sheegayaan in la boobay xarumo ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo weli ay jirto cabsi ah in xarumo kale la boobo.
Maxamed Yuusuf Kulane oo kamid ah ganacsatada ku dhaqan dalkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in xalay la boobay in ka badan 20 dukaan oo ay Soomaali lahaayeen, lana qaatay wax walbo oo yaallay.
Sidoo kale waxa uu sheegay Maxamed, in dadka Madow ee K/Africa ay ku hanjabeen in 24-ka bishan oo ku beegan Jimcaha ina soo aadan ay dhici doonaan xarumo ganacsi oo ay leeyihiin guud ahaan ajaaniibta dalkaasi ku sugan.




From the comments