Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa gaaray caasimadda boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Riyad waxaana Airportiga Boqor Khaalid ee magaaladaasi ku soo dhaweeyay amiirka gobolka Riyaad Amiir Faysal Bin Bandar Bin Cabdi Casis, wasiir ka tirsan golaha wasiiradda Masaacid Bin Maxamed, Xogheyaha gobolka Ibrahim Bin Maxamed Suldaan, Safiirka Boqortooyada ee Kenya iyo Soomaaliya Maxamed Bin Cabdiqani Khayaad, safiirka Soomaaliya u fadhiya boqortooyada Daahir Maxamud Geelle iyo mas’uuliyiin kale.
Wakaaladda wararka ee Sacuudiga(WAS) oo warkaani qortay ma sheegin kulamada labada dhinac iyo jadwalka mas’uulka Soomaaliyeed.
Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa Muqdisho lagu doortay 8-dii bishan, waa booqashadii ugu horreysay ee dalka uu uga baxo, lama oga sababta uu u aaday Sacuudiga.




From the comments