Xasan Cali Kheyre oo saaka madaxweyne Farmaajo u magacaabay Ra’isul wasaaraha Cusub ee dalka ayaa sheegay inuu magacaabistiisa ogolaaday, isla markaan haddii la ansixiyo uu soo dhisi doono dowlad ay iska leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Xasan Cali Kheyre oo shir jaraa’id ku qabtay bartiisa Facebook-ga ayaa ugu horreyn ka hadlay mahadcelin uu u dirayo madaxweynaha:
“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa sida sharafta leh ood iigu magacowda xilka Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waan kaa aqbalay, waxaana aad ugu faraxsanahay anigoo dalkayga iyo dadkeyga waajibka iga saran ka shaqeyn doon in aan si hufan oo habsami leh kuula shaqeyn doono, waan ogahay inuu yahay xil aad u adag, waan ogahay waddanku inuu joogo meel adag, dadka Soomaaliyeedna ay u ooman yihiin dowlad, waxaan isku dayayaa marka baarlmaanka Soomaaliyeed ansixiyo soo jeedinta madaxweynaha, inaan sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo magacaabo dowlad ka tarjumeysa shacabka Soomaaliyeed iyo hadafyada uu madaxweynuhu balbalaariyay anigoo la tashan doona guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynahaba”.




From the comments