Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho ku dhex dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Masjidka wax lagu diley oo ku yaalla inta u dhaxeysa Buunoodyinka, gaar ahaan dhanka degmada X/jajab ayaa la sheegay in xilliga dilka uu dhacayey uu askarigan halkaasi ka dhageysanayey Kitaab Fiqi ah.
Dadka deegaanka ayaa askarigan magaciisa ku sheegay Maxamed Cumar, waxaana ragga wax dilay ay ka baxsadeen halkaasi.




From the comments