Qaar ka mid ah ganacsiga Soomaalida ay ku leeyihiin magaalada Perotoria ee caasimadda waddanka Koofur Africa ayaa xiran ka dib markii ay halkaas ka dhaceen weeraro .
Mid ka mid ah ganacstada ku nool waddanka Koonfur Africa oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in ganacsiga ka jira magaalada Perotooriya uu xiranyhay waxa uu intaas uu ku daray in dadka Soomaalida ah ay ka qaxeen magaalada.
“Soomaalida xaafadda Peritooriya dageneed ee caasimadda dalka haweenka iyo caruurta shalay ayay qaxeen, goobo ganacsi oo furan malahan, isku socodka dadka iyo gaadiidaka wax socda malahan” sidaa waxaa Goobjoog News u sheegay weriye Maxamed Yusuf Kulane oo ku sugan caasimadda koofur Afrika.




From the comments