Golaha Aqalka Sare oo maanta iskugu yimid kalfadhigoodii Koowaad kulankiisii Lixaad ayaa maanta waxay Ansixiyeen Labo Hab-dhowre oo rasmi ah iyo 5 guddi oo Kumeelgaar ah.
Kulanka maanta oo ay soo xaadireen illaa 37 xildhibaan ayaa waxaa shirguddoominayay guddoomiyaha golaha ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ajanduhu ahaa magacaabista guddiyo kumeelgaar ah iyo Ansixinta Habdhowrka Golaha.
Kulanku markii uu farmay ajandahana lagudogalay ayaa waxaa la meelmariyay 5 guddi oo kala ah, guddiga Amniga, Guddiga Miisaaniyadda, Guddiga Shaqosiinta, Guddiga Xeer-hoosaadka, iyo guddiga Astaan sameynta Golaha Aqalka Sare, waana sida ay noo xaqiijisay Fartuun Cabduqaadir Faarax oo ka tirsan golaha.




From the comments