Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaal u abaabulan qaab beeleed uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Raqeyle Buur-dheere oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Balcad ee gobolkaasi, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.
Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Shabellaha Dhexe, Cismaan Cabdalla Cismaan ayaa soo sheegaya in ugu yaraan dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kamid ah dhinacyadii dagaallamay.
Khasaaraha ayaa intaan ka badan karo, maadaama meesha lagu dagaallamay ay ahayd dhul miyi ah.




From the comments