Waddanka Syria Oo Ay Ka Dhaceen Qarxyo Ay Dad Ku Dhinteen.

Magaalada Ximsa ee waddanka Syria waxaa ka dhacay labo qarx oo waaweyn kuwaas oo lala beegsaday xarun amni oo ku taalo magaalada Ximsa.
Qaraxyadaan ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 32 qof, waxaana ku jira dadka dhintay guddoomiyaha dhanka amniga ee magaalada Ximsa korneyl Xasan Dacbuul, mas’uuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegatay kooxda Jabhatul Nusra ee ka dagaalanta waddanka Syria.
Qaraxyadaan ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli ay magaalada Geneva ay ka socdaan wadahadallo lagu dhexdhexaadinaayo dowladda Syria iyo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda ,waxaana looga hadlayaa wadahadalladaas sidii xal waara looga gaari lahaa dhibaatada ka jirta waddankaas.
Magaalada Ximsa ayaa ciidamada dowladda Syria ay qabsadeen bishii December ee sanadkii 2015kii xilligaas oo ay maamulayeen kooxaha ka soo horjeeda dowladda.
Goobjoog News