Deganaansho aan cago badan ku taagneyn ayaa laga dareemayaa magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo shalay illaa habeen hore ay ka dhacayeen dagaallo qaab beeleed u abaabulan.
Maanta oo Axad ah lama soo sheegayo wax rasaas ah oo halkaasi ka dhacaysa, waxaana wararku ay sheegayaan in magaalada ay ka deggan tahay sidii hore.
Waxaa xiran dhammaan xarumaha ganacsiga ee magaalada Marka, waxaana sidoo kale aad u yar isku socodka dadweynaha.




From the comments