QM Oo Kaalmo Gaarsiineysa Koonfurta Suudaan

Waxaa bilowday kaalmooyinka la gaarsiinayo dadka macluusha ay ku hayso wadanka Koofurta Suudaan, kadib markii Qaramada Midoobey ay wadahadal la yeelatay mas’uul ka tiran kooxaha fallaagada ah .
Dadka la gaarsiiyay kaalmadaan ayaa waxay gaarayaan Toban Kun oo qof waxayna ku nool yihiin inta badan goobaha ay fallaagadu ay gacanta ku hayso, macluushaan ayaa waxay tahay tii ugu horreysay oo caalaamka soo marta muddo ku dhaw Lix sano.
Ku dhowaad Boqol Kun oo qof oo ku nool waddanka Koofurta Suudaan ayaa waxay qarka u saaranyihiin inay u dhintaan macluul baahsan oo ka jirta waddankaasi, iyadoo Qaramada Midoobay ay horay u shaacisay in Shan Milyan oo qof oo ku nool qaar kamida gobollada waddanka Koofurta Suudaan ay u baahanyihiin in la gaarsiiyo kaalmooyin deg deg ah.