Duqeymo uu Ruushka ka geystay magaalada Idlib ee waddanka Syria ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 20 qof sidoo kalane waxaa ku dhaawacantay tiro kale.
Mas’uul ka hadlay duqeymaha uu Ruushaka ka geestay magaalada Idlib ayaa waxa uu sheegay in diyaaradaha Ruushka ay duqeyn baahsan ka geesteen magaalada Ariixa iyo magaalooyin kale oo ay ka mid tahy Idlib taasi oo keentay inay dhintaan 20 qof.
Duqeymahaan ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli ay ciidamada Syria ay horumar ka sameynayaan furimaha dagaalka ee magaalooyin Al-baaba iyo Xalab ee waqooyiga Syria.




From the comments