Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta shir-ka heerka sare ee abaaraha ka sheegay in dalka uu ka jiro “ Musiibo Qaran” oo banii’aadamnimo iyo dhibaato heysato dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.
Madaxweyne Farmaajo waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay in jawaab degdeg ah ka bixiyaan, isla markaana ay taageeraan qoysaska iyo dhammaan dadka ay saameysay abaaraha sababay dhibaatada banii’aadamnimo ee ka jirta Soomaaliya.
Farmaajo waxaa uu ganacsatada iyo qurbojoogta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay wax ka qabtaan, isla markaana ay taageeraan walaalahooda abaarta saameysay.




From the comments