Madaxweyne Trump Oo Kordhinaya Miisaaniyadda Wasaaradda Difaaca Maraykanka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday inuu kor dhinayo miisaaniyadda wasaaradda difaaca ee Maraykanka, waxa uuna doonayaa inuu ku daro 10% sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ku sugan Aqalka cad .
Mas’uuliyiintaan ayaa waxay sheegeen inuu madaxweyne Trump uu doonayo inuu kordhiyo miisaaniyadda wasaaradda difaaca,isagoo ku dari doona lacag dhan 54 bilyan oo u dhiganta boqolkiiba toban waxa uuna horgeyn doonaa xubnaha Kongareyska si ay u ansixiyaan miisaaniyaddaan.
Trump oo qaar ka mida madaxda kula qaatay kulan Aqalka cad ayaa waxa uu sheegay in miisaaniyaddaan xoogga lagu saarayo sidii loo horumarin lahaa ciidamada, ammaanka iyo dhaqaalaha .
Maraykanka ayaa ku bixiya miisaaniyadda ugu baday ciidamada iyadoo ay gaareyso miisaaniyadda ku baxda wasaaradda difaaca Maraykanka qarash dhan 600 bilyan oo doolarka maraykanka ah, .
Balse miisaaniyaddaan cusub ayaa waxaa go’aan ka gaaristeeda leh xubnaha kongareeska oo looga fadhiyo inay ansixiyaan ama ay diidaan .
Goobjoog News