Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo khudbad ka horjeediyay golaha Koongareyska ayaa balan qaaday inuu la shaqeyn doono dowladaha Maraykanka uu xulafada la yahay gaar ahaan kuwa islaamka si looga taqaluso ayuu yiri kooxda Daacish.
Madxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu qaadan doono tallaabooyin adag oo dheeriya si loo ilaaliyo shacabka Maraykanka, isagoo cadeeyay inuu ka shaqeynaayo sidii loo xoojin lahaa baaritaanada dadka soo galaya Maraykanka.
Trump ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii canshuurta looga yareyn lahaa shirkadaha ganacsiga ee Maraykanka .




From the comments