Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta la horgeeyey xildhibaannada.
Xildhibaannada maanta kulmay ayaa tiradooda waxay ahayd 231 mudane, waxaana kulanka shir guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Codka oo gacan taag ahaa ayaa dhammaan mudanayaasha baarlamaanka ee 231-da ah waxay meelmariyeen Ra’iisul wasaaraha, iyadoo intaasi kadib guddoomiyaha maxkamadda sare uu dhaariyey Ra’iisul wasaare kheyre.




From the comments