Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamo Booliis ah oo ka gadooday mushaar la’aan ay xanibeen isku socodkii dadweynaha ee xaafadaha qaar.
Ciidamadan ayaa la sheegay iney xireen Buundada kala qeybisa xaafadaha Xaawo-taako iyo Kooshin ee magaalada Baladweyne, waxayna ciidankaan sheegeen in bilooyin badan aysan helin wax mushaar ah.
Waxay goob joogayaal inoo sheegayaan in ciidamadan ay diidayaan in gaadiidka dadweynaha ay halkaasi isaga gudbaan.




From the comments