Howl-gal Ciidamada booliiska iyo kuwa ammaanka ay ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee Koofur Galbeed ayaa dhowr qof oo lala xiriirinayo xarakada Al-shabaab lagu soo qabtay.
Xasan Xuseen oo ah wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ee maamulkaas ayaa sheegay in ciidamadooda ay howl-gal ka sameeyeen gudaha iyo afaafka magaalada Baydhabo. Wasiirka waxaa uu intaa ku darayaa in goor sii horreysay ay ciidamada qabteen nin dil ka geystay magaalada Baydhabo.
“Ciidamada Booliiska iyo kuwa ammaanka ayaa howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhabo, waxaa u suurogashay in ay soo qabtaan rag uu ku jiro qof dilay haweeney ganacasato ah oo caan ka aheyd magaalada baydhabo”.




From the comments