Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in dalalka deriska qaarkood ay hub siiyaan maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.
Cosoble oo saxaafadda kula hadlay degmada Ceel-macaan ee Shabellaha Dhexe, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in il gaar ah ay ku hayso arrintaasi oo ay dowladaha deriska ah uga digto arrintaasi, isaga oo aan dowlad carabaabin.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Hirshabelle in dhibaatooyin badan ay ka dhalan karto haddii dowladaha deriska ah ay waddo aan sharci ahayn hub ku siiyaan maamul goboleedyada.




From the comments