Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa waxay sheegeen in Maraykanka uu weeraro cusub uu ka fuliyey waddanka Yeman, halkaas oo ay ku suganyihiin farac ka tirsan ururka Al-qaacida.
Laga soo bilaabo markii uu Maraykanka uu bilaabay inuu weeraro uu ka fuliyo waddanka Yeman dabayaaqadii bishii tagtay ee Janaayo kuwaas oo ay la beegsanaayo Al-qaacidada ku sugan Yamen ayaa waxa uu weli Maraykanka uu ku sii adkeysanayaa inuu la imaanayo istiraatiijiyad cusub uu maraykanka uu kula dagaallamayo ururka Al-qaacida ee ku sugan Yeman.
Jeff Davis oo ah afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu sheegay in Maraykanka uu ka fuliyay weeraro dhanka cirka ah qeybo ka mida waddanka Yeman, kuwaas oo uu sheegay inay ku dileen 9 ka tirsan Al-qaacidada ku sugan halkaasi.




From the comments